Maxaa ka Hortaagan Dhinacyada ku Dagaalamaaya Duleedka Laas caanood..

Somalia news

Xoogaga Somaliland iyo Dagaalamayaasha Dhulbahante ayaa isku haya gacan ku haynta Degaanada hoos tagay Gobolada Sool & Sanaag, Odayaasha Dhaqanka waxay doonayaan inay dib ula midoobaan Somalia inteeda kale, intii ay qayb ka noqon lahaayeen mashruuca ku caburinta ku dhisan ee Somaliland…

Baaqyo oo loo jeediyay Labada dhinac sidii xabada loo joojin lahaa isla markaasna ay u diyaar garoobaan wadahadalo waqtigoodu dhacay oo ku saabsan maqaamka Maamulka Gobolada Sanaag Bari iyo Sool, Iyadoo hogaamiyayaasha labada dhinac loogu baaqay iney u dhego nuglaadaan Baaqyada isla markaasna ay degdeg u joojiyaan hadalada xanafta leh iyo abaabulka Dagaalamayaasha ay qortaan, shaqaaqadu waxay ku fidi kartaa gobolka Sool oo dhan, taasoo khatar gelinaysa xasiloonida Gobolada ku xeeran.

Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ku eedeeyay in Madaxweynaha Somaliland uu diiday inuu qaabilo ergadii nabada uu dagaalna ku baaqay, ayna iska celinayaan, halka Madaxweynaha Maamulka ayaa ku adkeystay in aanu aqbalayn in la yiraahdo xadka Somaliland ayaa bar la gooyay, isagoo sheegay in dhamaan xuduudaha Soomaalidu burburi doonaan hadii xuduuda Somaliland la faragaliyo sida uu hadalkiisa u dhigay “Dagaalku joogsan maayo inta taako ka mid ah xadka Somaliland uu cadow ku jiro”.

256600cookie-checkMaxaa ka Hortaagan Dhinacyada ku Dagaalamaaya Duleedka Laas caanood..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com