Ma Dhabaa in Khilaaf ka Dhex Qarxay Wasiirka 1-aad iyo Kuxigeenkiisa…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Khilaaf xoogan ayaa ka dhex qarxay Wasiirka 1-aad ee xukuumadda Federaalka iyo Kuxigeenkiisa, kaasoo salka ku haya Martiqaadka Madaxa Maamulka SSC oo Mogadishu ku sugan iyo guud ahaan Arrimaha Gobolada Waqooyiga…

Khilaafka ayaa la tilmaamay in labada Mas’uul uu cirka isku shareeray, kadib markii kooxda Xildhibaanada Wakiilka ka ah Beesha Dhexe ay mucaaradad kala hortageen soo dhaweynta Mas’uulka SSC, waxeyna sheegeen iney Qabanqaabinayaan Mooshin looga soo horjeedo Mr.Xamse.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sida la sheegayo isku dayay in uu carqalad ku sameeyo safarka hoggaamiye Firdhiye ee Muqdisho, taas oo uu ku fashilmay, waxaana 24-kii saac ee u dambeysay Baraha Bulshada ku baahinayeen Qoraalo lidi ku ah soo dhaweynta Wafdiga ka yimid Gobolka Sool.

Wararka ayaa tibaaxaya in sidoo kale Xamse iyo Saalax is dhaafsadeen hadallo kulul, islamarkaana uu meesha ka baxay xiriirkii wada-shaqaynta labada dhinac, iyadoo xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda ay la kala safan yihiin labada Mas’uul.

280730cookie-checkMa Dhabaa in Khilaaf ka Dhex Qarxay Wasiirka 1-aad iyo Kuxigeenkiisa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com