Ma Dhabaa in Kooxda Xuutiyiinta ay Wada Hadalo Kula Jiraan Kooxda Argagixisada Shababka & Sababta..

Somalia news World

Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ka wada hadleen sidii hub loo siin lahaa kooxda ka dagaalanta Somalia ee argagixisada Shabaabka, iyadoo dowladda Maraykan ay ku tilmaamtay arrin welwel leh oo halis gelinaysa xasilloonida Gobolka oo markii horeba rabshado ay ka socdeen…

Sirdoonka USA ayaa hadda baadigoobaya caddeymo muujinaya in Hubka Xuutiyiinta la soo gaarsiiyey Somalia, waxayna isku dayayaan in la ogaado in Iran oo taageero Ciidan iyo mid Dhaqaale siisa Xuutiyiinta ay ku lug leedahay heshiiskan, waxeyna uga digeen Dalalka Gobolka iskaashigaan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Maraykanka.

Maraykanku waxa uu sare u qaaday suurtagalnimada in arrintaan ay uga sii dari karto xaaladda Somalia, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaasoo Xuutiyiintu ay weeraro iyo beegsi joogto ah ku hayaan Maraakiibta Ganacsiga iyo Jantida ciidamada Maraykanka tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Gaza.

Waxaa jiray tahriibin joogto ah oo isugu jira Hub fudud iyo Agab ganacsi oo u dhexeeya kooxo kala duwan oo Yemen iyo Somalia muddo sanado ah, Laakin heshiis hub ah oo dhex mara kooxaha Shabaabka iyo Xuutiyiinta ayaa noqon doona mid cusub, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

331110cookie-checkMa Dhabaa in Kooxda Xuutiyiinta ay Wada Hadalo Kula Jiraan Kooxda Argagixisada Shababka & Sababta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *