Sidii looga Hortagi karaa Khaladaadka caafimaad ee ka dhaca Isbitaallada Dalka

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeereysa Bulshada Soomaaliyeed kuwaasoo aad u saluugay waxqabadka iyo tayada hooseysa ee adeegyada Bulshada gaar ahaan Caafimaadka (Isbitaalada), iyadoo ay soo shaac baxaayaan khaladaad Caafimaad ee ka dhaca Isbitaalada gaarka loo leeyahay…

Wararka ayaa sheegay in burburkii Dowladii dhexe ee Dalka kadib in Isbitaalada gaarka ah ay ku soo bateen guud ahaan Dalka gaar ahaan Caafimaadka, waxaana gacanta ku haya Ganacsato macaash doono ah, sidoo kale waxaa jira hubanti la’aanta heerka aqoonta Dhakhaatiir tayo leh ayaa ah mid aan Jirin Dowlad iyo Hey’ad dib u eegta.

Aduunka inteeda jale Dhakhaatiirta waxaa lagu xiraa Shuruudo heerka aqoontiisa gaarsiisan tahay, dabgal isla xisaabtan la’aanta Dhakhaatiirta Dalka ayaa horseeday iney dhacaan khaladaad badan, taasoo bukaano badan ay waxyeelo ka soo gaartay halka gaar kale ay naftooda ku waayeen.

Sidoo kale ma jiraan Sharciyo iyo xeerar lagula xisaabtamo oo lagu xakameeyo Dhakhaatiirta marka uu dhaco khaladaad la xiriira Qalabka baaritaanka ama daweynta Bukaanka, iyadoo ay jiraan Bukaano badan oo lagu sheegay cuduro aysan qabin iyo kuwo si khaldan loo daweeyay, waxaana Dowlada Federaalka loogu baaqay iney wax ka qabtaan Dhibaatadaan joogtada noqotay.

211300cookie-checkSidii looga Hortagi karaa Khaladaadka caafimaad ee ka dhaca Isbitaallada Dalka

1 thought on “Sidii looga Hortagi karaa Khaladaadka caafimaad ee ka dhaca Isbitaallada Dalka

  1. Isbitaaladii ayaa macaash laga faa’iiday Waa ayaan darro Dowlada dib ha ugu noqoto la xisaabtanka Isbitaalada gaarka ah iyo kuwa Dowladaba

Comments are closed.