WFP oo Qaxootiga Dhadhaab ku Wargelisay iney Dhimeyso Raashinka ay Bixiyaan…

Africa News

Wararka naga soo gaaraya Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee WFP iney ku wargelisay in laga billaabo bishaan July 2023 ay dhimeyso Raashinka ay siiso celcelis ahaan 20% kadib markii dhaqaale la’aan soo wajahday…

Wararka ayaa sheegaya in Dadka u diiwaangashan Hay’adaan ay fariin ugu dirtay Telefoonada ay ka diiwaangelisay iyadoo u sheegtay keliya in boqolkiiba labaatan ay dhimeyso raashinka ay siiso Qoysaskaan waqtiyada kala duwan ku nool Xeryaha Dhadhaab.

WFP ayaa sanado kahor waxa ay dhintay qiimaha celceliska ee Raashinka kaalmada ah ay siiso Qaxootiga ku sugan Xeryahaas iyadoo reebtay 30%, muddo kaddib ayaa dib loogu fasaxay dadkaas inkastoo haatan markale dib loogu laabtay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka Ruushka iyo Ukraine 24kii Febaraayo 2022 qarxa uu sababay dhibaatooyin muuqda oo dunida inteeda kale gaartay waxaana ugu weyn in la waayay Raashinka Gargaarka ah oo laga qaadi jiray Dekdaha labada Dal.

264710cookie-checkWFP oo Qaxootiga Dhadhaab ku Wargelisay iney Dhimeyso Raashinka ay Bixiyaan…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com