Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dowlada Ethiopia oo Xilkii Laga Xayuubiyay & Sababta..

Africa News

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya magaalada Addis abeba ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ethiopia ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Demeke Meknnen ayaa “laga xayuubiyey” xilkii uu hayay maanta; Waxaa lagu bedelay Temesgen Tiruneh oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka…

Demeke oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga Barwaaqo-sooranka ee Xisbiga Talada haya uuna ku matalayay Garabka Amxaarada ayaa sidoo kale maanta laga qaaday xilkii uu hayay, Sidaasna waxa lagaga dhawaaqay Kulankii Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga PP, ilaa hadda lama yaqaano sababta.

Balse, Xuuraan loo qaateen ah ayaa daaha ka rogayaa in Xisbiga haya talada Ethiopia ee PP-da uu taageeray Is-afgaradkii ay Dawladda dalkaas lagashay Maamulka Somaliland, kaasoo ogolaanayay in Dhul/Xeeb Soomaaliyeed laga dhiso Saldhig milateri oo ay Ethiopia leedahay, iyadoo uu ka soo horjeestay Mr.Demeke Meknnen.

Bals bilihii ugu dambeeyay Kacdoonka kooxda FANO ee Hubeysan kana wadaan Gobolada Amxaarada ayaa la sheegayaa iney Degaano badan kala wareegeen Ciidamada Ethiopia oo u badan Qabiilka Oromada ee uu ka soo jeedo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

304050cookie-checkRa’iisul Wasaare Kuxigeenka Dowlada Ethiopia oo Xilkii Laga Xayuubiyay & Sababta..