Ma Dhabaa In Lafta-Gareen Uu Nigeria Safar Qarsoodi Ah Ugu Baxay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Safar qarsoodi ah oo Uu Madaxweynaha Maamulka Konfur Galbeed MrC/Casiis Lafta gareen uga baxay Magaalada Mogadishu, isagoo sii raacay Duulimaadkii Mog-Addis Ee Shalay, waxaana si isagootiyay Xubno taageerayaal ah…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Mr.Lafta Gareen uu Magaalada Abuuja ee Dalka Nigeria ugu soo saxiixo dalaaliin iyo Shirkad Nigerian ah oo Dalka Somalia ka qaataan Macdan, iyadoo la sheegay in Macdantaasi laga baari doono nawaaxiga Buur-hakaba ee Gobolka Bay.

Dad badan ayaa is-weydiisaya Awooda uu heshiis kula geli karo Madaxweynaha Maamul Goboleed iyadoo aan oggolaasho laga helin Dowladda Federaalka, ku darsoo Xiligaan kala guurka ah xitaa Dowladda Federaalka awood una lahaa iney Heshiis gasho.

127510cookie-checkMa Dhabaa In Lafta-Gareen Uu Nigeria Safar Qarsoodi Ah Ugu Baxay