Maxey Ku Heystaan Warbaahinta Swedish-ka Wasiir kuxigeenka Warfaafinta

Somalia news World

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga heleyaa tiro dacwado ah oo taageerayaasha NN & CBB ay u gudbiyeen Waaxda Garsoorka iyo Dacwadaha Dalka Sweden, kuwaasoo ku eedeeyay Wasiir kuxigeenka Warfaafinta inuu dhaqaale badan ka dhacay Dalka isla markaasna Xaaskiisa 3-aad oo ku nool dalkaasi ay dhaqaalaha ceyrta ku nooshalay..

Wararka ayaa sheegay in Wasiirka Kuxigeenka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Mr.Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) oo ka mid ah Saraakiisha ugu awooda badan Maamulka Xasan Sheekh, ayaa wargeyska Nyheter Idag iyo Webside-ka Hornobserver ka qoreen maqaal ay kaga hadlayaan tacadiyada iyo awood sheegashada Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Xaaskiisa 3-aad oo ku nool dhaqaalaha Ceyrta ee la siiyo Dadka Saboolka ah ee Dalka Sweden.

Mr.Al-Cadaala guri uu ku leeyahay agagaarka ExCarwo Itko ee Wadada Sofonka ayaa dhamaadkii sanadkii tagay waxey kooxda Argagixisada Shababka ku amreen Ganacsatadii deganeyd inuu 48-saac isaga baxaan hadii kale ay burburin doonaan, dhacdadaan, ayaa la sheegay in Wasiir kuxigeenku ku qasabtay inuu iibiyo guriga bacdamaa cid ku dhiirata iney kireysato la waayay.

243160cookie-checkMaxey Ku Heystaan Warbaahinta Swedish-ka Wasiir kuxigeenka Warfaafinta