Ma Dhabaa in Lafta gareen uu Xilkii Dhaqanimo ka qaaday Malaaqa Beesha Leysaan

Uncategorized

Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay dooda ka taagan sharci ahaanshaha mudo kordhinta halka sano ah ee loo sameeyay, isla markaasna bilaabay inuu Xilka ka xayuubiyo Oday dhaqmeed…

Lafta gareen ayaa ugu horreyn si adag uga horyimid Badbaadada Koonfur Galbeed oo shalay looga dhawaaqay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, wuxuuna tilmaamay inuu ka xun yahay abaabulka qorshahaasi sidoo kalena xusay in aysan ka shaqeyn karin Baydhaba.

Wuxuu ku amray Wasiirkiisa arrimaha gudaha inuu xilka Oday Dhaqmeedka Beesha Leysaan (Mad Eedow) ka qaado, isagoo ku eedeeyay inuu ku milmay arrmaha Siyaasada isla markaasna kala qeybiyay, isagoo ku amray in laga qaado.

Konfur Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaalada cakiran oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka, balse waxaa loo ballansan yahay shirka dib u heshiisiinta ee uu iclaamiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaas oo dhacay shanta bisha  January ee sanadka 2023.

232250cookie-checkMa Dhabaa in Lafta gareen uu Xilkii Dhaqanimo ka qaaday Malaaqa Beesha Leysaan