Maxaa Keenay Amarada Faaf-reebka ay Villa Somalia si hoose ugu soo rogtay Warbaahinta gudaha

Somalia news

Maamulada Dalka Somalia soo maray ayaan Saaxiib la aheyn Saxaafada gudaha, waxeyna isku dayaan iney awaamiir faaf reeb ah ku soo rogaan Xarumaha Warbaahinta, talabadaan ayaa ka dhigtay iney Xoogaga Amaanka iyo kooxda Argagixisada si isku mid ah u ugaarsadaan Wariyayaasha…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Xarumaha Saxaafada ay iska diideen dalab faaf reeb ah oo Villa Somalia ku soo rogtay iney bilaabato maalintii Sabtiga aheyd ee la soo dhaafay, iyadoo ay qeybta Warbaahinta Madaxtooyada ku amreen Warbaahinta Maxaliga ah iney soo gudbiyaan hab-qoraal ah Wararka ka hor inta aysan baahin.

Awaamiirtaan ayaa ku soo beegmeysa xilli Xafiisyada Dalka ugu sareeya ay horey u wajaheen eedeymo la xiriira iney ku kacaan falal caburin ah oo ay u geysteen saxaafada madaxa banaan iyo aragtida xorta ah, Saraakiisha Madaxtooyada ayaa ka gaabsatay iney eedaha loo jeediyay.

232180cookie-checkMaxaa Keenay Amarada Faaf-reebka ay Villa Somalia si hoose ugu soo rogtay Warbaahinta gudaha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com