Ma Dhabaa in Madaxweynaha uu ku Wajahan yahay Degmada Xaradheere

Uncategorized

Madaxweynaha Somalia ayaa lagu wadaa inuu Safar shaqo oo kormeer ah ku tago Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug, kadib markii Todobaadkaan laga saaray Maleeshiyaadka Kooxda Shababka, sida ay sheegeen xogo wargal ah, Magaaladaan ayaa horey waxey u aheyd fariisin Kooxaha Burcad-badeedka…

Safarka Xasan Sheekh ee Magaaladaan ayaa qorshihiisu uu bilaawday iyadoo Ciidamo xoojin ah oo isugu jira Qeybo ka mid ah Guutada Boliiska Dableyda Madaxtooyada & kuwa NISA iyo Boliiska loo daabulay magaalada maalmihii ugu dambeeyay, inkastoo aan la ogeyn wakhtiga saxda ah ee Madaxweynaha u socdaalayo Xaradheere.

Isbedel cusub ee Hogaanka Ciidamada

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu qorsheynaayo inuu isbedel ku sameeyo Hogaanka Ciidamada, kadib markii Guulo iyo dib u dhacyo degaano la qabtay oo khasaare geystay ay dhaceen, wuxuuna Madaxweynaha Ciidamada ku waaniyay iney Balwada & Shaqada ilaalinta degaanada la xoreeyay aysan isku meel wada geli karin.

Qabashada Degmada iyo Cabsida Beelaha

Inkastoo Degmada markii la qabtay ay Ciidamada Dowladda qaarkood ay Biliiliqo iyo Dhul boob bilaabeen, hadana waxaa la sheegay in la xakameeyay iyadoo 5 Gaadiidka Dagaalka oo ku lug yeeshay Boobka laga saaray magaalada oo lagu celiyay degaanadii ay ka yimaadeen, haddana waxaa taagan Cabsida Beelaha qaarkood oo sheeganaaya Dhulalka degmada gaar ahaan degaanka Gaan ee xeebta, hadii aan xal laga gaarin ay dhici karto iney ka Faa’iideystaan kooxaha Argagixisada ama kuwa Burcad badeedka.

238750cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha uu ku Wajahan yahay Degmada Xaradheere