Dad lagu Laayay Degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay iyo Dowlad Degaanka Soomaalida…

Somalia news

Wararka dheeraad ah ayaa laga helayaa falal dilal ah oo Inta la xqiijiyay labo qof ay ku geeriyoodeen tiro kalena dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen, kadib markii Shacabka Degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay ay ka gadoodeen ceel biyood ay dowladdu ka qodi lahayd tuulada Xodey gaajo oo ka tirsan Degmada…

Sida goobjoogayaal u sheegeen Warbaahinta dhibaato ka dhalatay gadoodkii ay Dhacabku halkaa ka sameeyeen, oo ay iska hor yimaaddeen Ciidankii Liyuu Booliska ayaa rasaas ay fureen xoogaga amaanka waxaa ku geeriyooday labo qof oo shacab ah, tuuladaan uu dhibku ka billowday iyo degmada Shilaabo.

Cabdirisaaq xaaji Ibraahim oo kamid ah odayaasha degaanka oo dhiniciisa Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Riigga ay dowladdu ka qodayso goobtan ay tahay meel xoolo daaqeen ah oo u dhaw meel biyo leh, oo aan kusoo baxayn in ceel laga qodo, sidoo kalena ceelkan aan lagu qodin rabitaanka dadka tuuladan dega ee lagu qodayo rabitaanka dad kale oo tuulo kale deggan.

Isu soo duuboo dhacdadan ayaan ku cusbayn degaanka, waxaa marar kala duwan horey u dhacday in sidan oo lale dhibaato uga dhalato goobo ay isku qabsadaan beelo walaalo ah oo wada dega hal gobol ama hal degmo, oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida.

232290cookie-checkDad lagu Laayay Degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay iyo Dowlad Degaanka Soomaalida…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com