Adeege Fahad Oo Cimaamaday Musharax Cusub

Somalia news

Madaxa Hey’adda Sirdoonka Ee Maamulka Fashilmay ee Farmaajo Adeege Fahad Yaasiin ayaa la sheegay in Musharax cusub usoo cumaamaday inuu noqdo Musharaxa ay Dowladda Qatar wadato una tartamaya Xilka Madaxweynaha Somalia kadib markii ay Saraakiisha Sirdoonka Qatar ay yaqiinsadeen in Farmaajo uusan haysan fursad dib loogu soo doorto jagadaasi…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.con news u xaqiijisay in Musharaxa uu wato Adeege Fahad Yaasiin lagu sheegay Jibril Cabdule, waxaanu ahaan jiray Guddoomiyaha Hey’add cilmi baariseed oo ka shaqeyn jirtay Arrimaha Nabada Somalia (Centre for Research & Dialogu), Dadka ka hoos shaqeyn jiray Jibriil waxa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku jilib yihiin, wuxuuna degan yahay Hoteel Ku dhow Xarunta NISA aadna loo ilaaliyo.

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Farmaajo uu caro cirka maray markii uu ogaaday in Fahad Yaasiin iyo Saraakiisha Sirdoonka Qatar ay taageerayaan Musharax kale, waxaana la sheegay inuu xumaaday xiriirkii labada nin inkastoo uu Fahad Yaasiin isku day inuu Farmaajo ku qanciyo in loo baahan yahay musharax-suge kayd ah oo hadii Farmaajo wax waayo, jawaabtaan la sheegay inuusan ku qancin.

98670cookie-checkAdeege Fahad Oo Cimaamaday Musharax Cusub