Askari ka tirsan Hey’adda NISA oo Dil Bareer ugu Geystay Wiil Dhalinyaro ah…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dil bareer ah oo Askari ka tirsan Hey’ada NISA ugu geystay isgoyska Suuqa Bakaaraha Wiil Dhalinyaro ah, kaasoo rasaas bareer qeybta sare jirka uga dhuftay..

Dad goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in gacan ku dhiiglaha oo dilka u adeegsaday bistoolad uu watay uu goobta ka baxsaday, iyadoo meydka marxuumka ay markii danbe qaateen ehelkiisa oo ay geeyeen xarunta C.I.D.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in dilka marxuumka ay ka danbeysay kadib markii uu diiday inuu istaago, taasoo keentay inuu askarigan rasaas ku rido, Bilihii ugu dambeeyay ayaa Amaanka Magaalada hoos ku yimid iyadoo Qaraxyada iyo Dilalka ay kordheen inkastoo Maamulka Xasan Gurgurte uu ku faano inuu soi hagaagay Amaanka Caasimada.

266490cookie-checkAskari ka tirsan Hey’adda NISA oo Dil Bareer ugu Geystay Wiil Dhalinyaro ah…