Ma Dhabaa In Sh.Shariif Uu Diiday Inuu La Kulmo Farmaajo

Somalia news

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Murashaxiinta ayaa ku Gacan seyray dhowr jeer oo loo soo bandhigay la kulmo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaada Farmaajo, iyadoo barwooyinkaan loo soo marsiiyay Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Farmaajo uu in ka badan Afarta jeer uu ka codsaday la la kulansiiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo sabab u ahaa inuu saaxada siyaasada dalka ka soo dhex muuqdo Farmaajo, Wararka ayaa sheegaya in dhamaan uu diiday Sheekh Shariif kadib uu sharfakiisa meel uga dhacay isla markaasna uusan raali gelin ka bixin Farmaajo.

Codsiga La Kulanka ayaa la sheegay inuu u dambeeyay mid ka yimid Madaxtooyada kadib markii ay Muqdisho gashay xaalad dagaal oo ka dhalatay muddo kororsiga, toddobaad ka hor. Saddexda goor ee hore ayaa ahaa Markii la dhisay Midowga Murashaxiinta, ku dhawaaqistii Madasha Badbaadinta Qaranka, iyo maalmo kadib Markii uu fashilmay Shirkii Dhuusamareeb ee uu ka soo baxay Madaxweynaha, sida ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo Warsidaha Diinah.com news.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale Diiday inuu la kulmo Ergeyga Dowladda Qatar oo todobaadkaan Mogadishu soo gaaray, waxaana la sheegay in loo soo diray Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabelle iyo Odayaal Dhaqmeedyo.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Farmaajo ayaa mar ahaa saaxiibo Siyaasadeed inkastoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay aad ukala fogaadeen Arrimaha Siyaasada gudaha, Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in dhowr jeer uu weeraray madaxdii hore ee dalka iyo Murashaxiin kale, iyadoo sidoo kale laga hor istaagay safarro gudaha ah kuwaasoo u muuqday dandaansi.

117340cookie-checkMa Dhabaa In Sh.Shariif Uu Diiday Inuu La Kulmo Farmaajo