Dalalka G-7 Oo U Hanjabay Hogaamiyayaasha Soomalida

Somalia news

Wasiirada Horumarinta iyo Arrimaha Dibeda ee Dalalka ku bahoobay G-7 ayaa si adag uga hadlay Xaalada Siyaasadeed iyo jahwareerka ka taagan Somalia kadib isku dhacyadii dhowaan ka dhacay Caasimadda iyo Mishkiladaha bini’aadanimo Ee ka dhashay Qalalaasaha…

Wasiirada ayaa si cad u sheegay iney aad uga xun yihiin Muddo Kordhinta Sharci darrada ah Ee Sababay dagaalada khasaara iyo barakac geystay, waxeyna si cad u sheegeen ineysan u arkin ineysan xal u aheyn geedi socodka Doorashooyinka isla markaasna wiiqeyso Kalsoonida Nabada mustaqbalka Dadka iyo Horumarka Hey’addaha Dowliga ah.

(“We ask that they engage in constructive dialogue, find practical solutions and reach consensus on remaining issues. Failure to do so will lead the international community to change its approach to Somalia”)G-7

Waxaan ku booorinaynaa wada hadal wax dhisaya si loo helo xal shaqayn kara oo isfaham ka keeni kara wax yaabaha harsan ama caqabadaha harsan.Hadii aad ku guuldareysataan beesha caalamku waxay badalaysaa habka aan hada ula macaamilno Somalia.

117300cookie-checkDalalka G-7 Oo U Hanjabay Hogaamiyayaasha Soomalida