Xiriirkii Farmaajo & Qorqor Oo Galay Saacadihii U Dambeeyay Ee Kala Dhimashada

Somalia news

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug iyo Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday ee Villa Somalia ayaa sheegay in xiriirkii ka dhaxeeyay uu soo gaaray saacadihii ugu dambeeyay ee kala Dhimashada, kadib markii Mr.Qorqor uu diiday inuu Taageero Muddo Kordhinta ay Xildhibaanada iyo Gudoonka Baarlamaanka ay go’aamiyeen shalay…..

Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Khilaafka labada nin uu soo shaac baxay shalay markii Kulamo ay wada qaateen kuna soo dhamaaday natiijo la’aan, Waxaa xigay Saadiq John uu ka soo muuqday TV-yada Magaalada Mogadishu, isagoo sheegay inuu isku dayay inuu joojiyay Kulankii Xildhibaanada, Iyadoo loogu jawaabay in deg deg looga qaado Xilka uu hayay, inkastoo cabsi xoogan ay Kooxda Farmaajo ka qabaan Sarkaalkaan iyo Ciidamada uu wato.

Mr.Qorqor noqday Hogaamiye aan toos u caddeyn karin Mowqifkiisa ku aadan Khilaafka Doorashada iyo muddo kordhinta, talooyin (Mucaaradka) la siiyay ka biyo diiday, talaabadaan ayaa keentay iney ka shakiyaan Farmaajo iyo Kooxdiisa, wareysi uu bixiyay Mr.Qorqor ayaa banaanka keentay miwqifkiisa Muddo Kordhinta, Wuxuuna si u sheegay in Mr.Farmaajo uu la mid yahay Musharixiinta kale hadii Doorasho uu galo, waxeyna xoojisay tuhunkii ay Villa Somalia ka qabtay Mr.Qorqor.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu u Xil Saaray Fahad iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iney soo diyaariyaan Qorshaha lagu afgambinaayo Mr.Qorqor, waxaana loo yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Iyo Kuxigeenka Faadumo Faandhe iyagoo lagu wargeliyay iney Mooshin ka diyaariyaan Madaxweynaha Galmudug, kadib markii ay u cadaatay inuusan isku haleyn karin Xildhibaanada laga soo dooraanaayo Dowlad Goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Jubbaland, dib u soo noqoshadiisa Doorashada dadban ay gashay god mugdi ah.

Dhanka kale Waxaa Xalay laga qaaday Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Mogadishu Madaxweynaha Galmudug 3-4 Gaari oo kuwa dagaalka ah iyo Ciidamo ilaalo ka ahaa oo ka tirsan Xoogaga Amaanka NISA ee Warran, Waxaa xigay in Mr.Farmaajo uu Darajadii Ciidamada ka xayuubiyay Saadiq John talaabooyinkaan oo u muuqda fariimo colaadeed oo loo diray Mr.Qorqor, taasoo dib u soo nooleyn karta Colaad beeleedkii soo jireenka ahaa ee Beelaha labada nin ka soo jeedaan, waxaase isweydiin mudan Wasiirka 1-aad kaalintee ayuu dagaalkaan ku leeyahay oo Qorqor qaraabo la ah.
Hadaba Maxey kula tahay Muwaadinow Khilaafkaan xaguu ku dambeyn doonaa!!🤗

110770cookie-checkXiriirkii Farmaajo & Qorqor Oo Galay Saacadihii U Dambeeyay Ee Kala Dhimashada