Dowlada Federaalka Oo Diiday Shirkad Kaluumeysi Oo China Laga Leeyahay iney Xeebaha Dalka Ka Jilaabtaan…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisado u dhaxeysa Dowlada Federaalka iyo Maamulka Saciid Dani ee Puntland, kadib markii ay Wasaarada Kaluumeysiga ay ganafka ku dhufatay oggolaashaha Shirkad Kaluumeysi oo laga leeyahay Dalka China ay ka jilaabtaan Xeebaha degaanada Puntland..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in ka badan 60 Maraakiibta Kaluumeysiga oo laga leeyahay Dalka China heshiis hoosena la gaartay Wiil uu dhalka Madaxweynaha Puntland iyo Nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Beeldaaje, iyadoo Maraakiibtaan ay muddo ku sugan yihiin xeebaha Puntland kana kaluumeystaan si Sharci darro ah.

Wararka ayaa sheegay in Qoraal digniin ah ay Wasaarada Kaluumeysiga u dirtay Shirkadda iska leh Maraakiibtaan ugana digtay iney ka kaluumeystaan Xuduud badeedka Dalka, talaabadaan ayaa la wariyay iney aad uga careysiisay Saciid Dani oo horey xiriirkii wada shaqeyn u jaray Villa Somalia, iyadoo wararku ay sheegayaan in Maraakiibta Shirkadaan kuwo khatar gelin kara xaalufinta Ugxaanta iyo Kaluunka.

242590cookie-checkDowlada Federaalka Oo Diiday Shirkad Kaluumeysi Oo China Laga Leeyahay iney Xeebaha Dalka Ka Jilaabtaan…