Ma Dhabaa in Shaqaalaha Xafiiska UNSOM Lagu Wargeliyay Dhamaadka Shaqadooda…

Somalia news World

Ilo wareedyo loo qaateen ah oo laga helay Howlwadeeno ka howlgala Xafiiska UNSOM ee QM oo Dowladda Federaalka si rasmi ah u dalbatay in la xiro, ayaa shaqaalaha ka howlgala loo sheegay in dhamaadka bisha October 2024-ka ay dhamaan ku e’eg yihiin Heshiisyadooda shaqada…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com neww u xaqiijisay iney Golaha Amaanka iyo Xafiiska Xoghayaha guud ee UN ay ku qasbanan doonan aqbalka dalabka Dowlada Federaalka fulinteeda, aysana doodba gali-karin, ayna magacaabi doonan oo kaliya 30-ka bishan Ergay shaqadiisu tahay dhameystirka howlgalka UNSOM ee hadda socda.

Xafiiska UNSOM waxaa hoos yimaada shaqooyinka UN ee Somalia, waxaana 2024-ka qorsheysan in ATMIS baxdo, UN-na ay soo gabagabeeyaan Xafiiska siyaasadda qaabilsan, Talaabadaan oo ka dhigan in Dalka loo jiheeyay in la soo af jaro ku dhaqanka Chapter 7 oo muddo 32-sano la soo waday, iyadoo dhamaadka Sanadkaan ay Dowlada Somalia rajeyneyso dhamaadka Somali Transitional Plan (STP), lana wareegi doonto Amniga Dalka.

Dowlada Somalia ma codsan doonto in dib loo cusbooneysiiyo qaraarka Tirsigiisu yahay 2705 (2023), iyadoo ay Dowladu ku adkeysatay in loo baahan yahay in loo gudbo wajiga xige ee ah Iskaashiga, talaabadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli xilli Howlgalka ATMIS uu gabaabsi yahay kana baxaayaan Dalka, inkastoo ay Somalia weli ku tiirsan tahay Taageerada Caalamiga ah.

325910cookie-checkMa Dhabaa in Shaqaalaha Xafiiska UNSOM Lagu Wargeliyay Dhamaadka Shaqadooda…