Ma Dhabaa in Maamulka Dekada Garacad ay Diideen iney Saami ka Siiyaan Shirkad UAE ah & Sababta..

Somalia news

Sida uu Warsidaha Diinah.com news xog ku helay Maamulka Dekeda Garacad ayaa looga yeeray Imaaraadka si ay u saxiixaan heshiis Saami looga siinayo Dekeda Shirkad laga leeyahay Dalka UAE, kuwaasoo la sheegay iney Maamulka Deni Culeys ku saareen hirgelinta Heshiiska…

Xogtaan ayaa intaasi raacisay Maamulka Dekeda Garacad oo Kulan Qarsoodi ah ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo isla markaasna la tashi la Sameeyay Saamileyda iyo Dowkada Federalka ayaa ku gacan seyray iney saxiixaan heshiiskaas, iyagoo shuruud uga dhigay ka hor Saxiixa in Shirkadu tagto Garacad oo ay gayso Qalabkeeda, Isla markaana bilowdo shaqada dhismaha Wadada.

Wararka ayaa sheegaya in Dadaal (Culeys-saar) badan oo uu sameeyay Mr.Deni oo uu xataa la xiriiray Oday Dhaqameedka Beesha Cumar Maxamuud (Islaan Bashiir) si ay saxiixaan heshiiskaasi Maamulkii Dekeda Garacad ee Imaaraadka tagey, Mr.Dani ayaa la sheegay in loo balanqaaday Dhaqaale dhan 2-Millions US$ oo Saxiixu Qalin ah.

Sababta Maamulka Dekeda Garacad uga biyo diideen Saxiixa Heshiiska ayaa ah iney Shuruuda ugu xireen, in Shirkadu dhisto Wadada isku xirta Dekeda iyo Magaalada Gaalkacyo ilaa Xadka Ethiopia, Maamulka ayaa lagu sheegay iney shaki iyo kalsooni xumo ka qabaan Mr.Deni oo Wakhtigiisu dhamaadka yahay iyo ineysan aaminsaneyn in Shirkadu ay Wado u dhisto balse ay doonayaan kaliya iney howlaha Dekeda curyaaminayaan.

280270cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Dekada Garacad ay Diideen iney Saami ka Siiyaan Shirkad UAE ah & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com