Caqabadaha Ku Gedaaman Kiiska Ikraan Tahliil

Somalia news

Ra’iisul wasaaraha Somalia Mr.Rooble ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan qoyska Ikraan Tahaliil Faarax oo ay ku jirtay hooyada dhashay Ikraan Qaali Maxamuud Guhaad sida uu  sheegay Afhayeen Dowladda, waxeyna kala hadleen Caqabadaha hortaagan Cadaalad u raadinta Kiiska Ikraan Tahliil..

Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo ka qayb gashay kulanka ayaa sheegtay in maxkamadda iyo xeer ilaalinta dalka ay u cadeeyeen in kiiska iyo halkii laga abaari lahaaba ay hortaagan yihiin Madaxweynaha iyo Eedeysanayaasha lagu tuhmaayo Kiiska ee Farmaajo u magacaabay xilal NISA ah.

Xildhibaanada ayaa hoosta ka xariiqday Caqabadaha Ku gedaaman Kiiska ay ka mid yihiin:-

-Baarayaasha Kiiska Ee Xafiisyada Xeer ilaalinta iyo Maxkamada oo loo diiday iney galaan Xarunta NISA.

-Qaar ka mid ah Eedeysanayaasha oo ku sugan Xarunta NISA isla markaasna burburiyay agabyadii fal-dambiyeedka iyo dukumntiyadii la xiriiray.

-In Farmaajo iyo Fahad ay si cad u sheegeen ineysan oggolaan doonin in la baaro Kiiska.

-Maqnaanshaha Awooda culeys saarka Ee Ururada Bulshada Rayidka, Haweenka iyo kuwa Xuquuqul Isaanka Ee gudaha iyo Dibeda iyo Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaasoo ka gaabiyay iney codkooda ku biiriyaan Cadaalad u raadinta Kiiska Ikraan Tahliil.

144320cookie-checkCaqabadaha Ku Gedaaman Kiiska Ikraan Tahliil