Ma Dhabaa in Xasan Sheekh uu Xaruntii Dagaal-gelinta Maxaas ugu soo Raray & Sababta..

Somalia news

Kadib markii uu fashilmay Qorshaha dagaal ee Wajiga 2-aad ee Kooxaha Demu jadiid iyo Dulmijire, isla markaasna isku dayeen is la qariyo khasaaraha baaxada leh xasuuqii ka dhacay degaanka Cowsweyne ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Xasan Gurgurte uu tagi doono Magaalada Maxaas..

Wararka ayaa sheegaya in Ujeedka ugu wayn ee safarka Madaxwaynaha ayaa ah sidii , halkaas ugala kulmi lahaa Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan oo xilka laga qaaday, kaasoo u xuub siibtay Isbaariste Baad ka qaada Gadiidka u kala goosha Caasimada iyo Gobolada dhexe.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Cali Jeyte loo balanqaaday Xil muhiim ah dhaqaale hadii uu howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee hakadka galay dhanka Hiiraan oo si dar dar ah ugu soo biiro, iyadoo Xasan Sheekh uu fariisin ka dhigan doono magaalada Maxaas, halka Beesha Madaxweynaha la sheegay iney ka gaabisay iney degaanadeeda ka xoreyso kooxda Shababka.

Madaxwayaha ayaa markan garwaaqsaan sida wararka ay sheegayaa in laga maarmaan ay tahay in isbedel lagu sameeyo hanaanka loo wajahayo howlgalada maadama ay soo baxayaan dulduleelo ku aadan istratejiyada dagaalka oo lagu tilmaamay mid hooseysa.

274910cookie-checkMa Dhabaa in Xasan Sheekh uu Xaruntii Dagaal-gelinta Maxaas ugu soo Raray & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com