Labada Aqal ee Baarlamaaka oo meel mariyay Miisaniyada Sanadka 2022-ka

Somalia news

Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa goordhow meel mariyay Miisaaniyadda sanadka 2022, kaddib saddex maalmood oo dood adag ka socotay, waxaana warbixinta ay soo gudbiyeen Guddiga KMG Maaliyadda ee loo saaray Miisaaniyadda ku jirtay talo soo jeedin ku saabsan in dib u eegis lagu sameyn karo.

Guddoonka Golaha ayaa u saaray Guddi baaritaan ku sameeya xisaab xirkii Miisaaniyadda afartii sano ee la soo dhaafay oo aan la horkeenin Labada Gole ee Baarlamaanka, si loo ogaado cida leh mas’uuliyadda arrintaas sida Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoonkii hore ee Golaha Shacabka, Inkastoo uu ku adkaystay Wasiirka Maaliyadda inuu soo gudbiyay.

197950cookie-checkLabada Aqal ee Baarlamaaka oo meel mariyay Miisaniyada Sanadka 2022-ka