Maamulka Puntland oo Diyaarisey Xeerkii Doorashooyinka Golaha Wakiilada..

Uncategorized

Maamulka Puntland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku hawlaneyd diyaarinta xeerka doorashooyinka degaanada Puntland, kaasoo soo marsy heerar kala duwan, Xeerkaan qabyada ah ayaa lagu tilmaamay Maamulka hadda jira uu ku doonaayo in lagu galo doorashooyinka Golaha Wakiilada…

Wararka ayaa sheegaaya ineysan jirin cid aragtey sida loo qoray Xeerkan cusub iyo qodabadiisa, shirkii khamiista tagtay ayaa looga doodey wax ka beddel lagu sameeyey, kadib markii Goluhu horey isugu raacey isaga oo qabyo ah, Maamulka Dani ayaa u codeeyey wax ka beddelka lagu sameeyey.

Iyadoo xiriir la sameeyay qaar kamid ah Xubnaha Wasiirada ayaa xaqiijiyay in xeerkaani yahay kii guud ee doorashooyinka Puntland oo ay ku jirto Golaha Wakiilada, mar wax laga weydiiyey waxa laga beddeley ayey sheegeen in ay tahay qaabka Madaxweynaha loo dooranaayo.

Waxaa la is weydiinayaa Nidaamka Xeerkan cusub u qoran yahay? qaabka loo dooranaayo Golaha Wakiilada? haddii ay noqoto in xisbiyo lagu dooranaayo, ma toos ayaa Xildhibaanka loo dooran mise ururka ayaa awooda leh oo waa liistada xiran.

267760cookie-checkMaamulka Puntland oo Diyaarisey Xeerkii Doorashooyinka Golaha Wakiilada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com