Ma Dhabaa in Tirada Maleeshiyaadka Daacishta ee Degaanada Puntland ay Korortay & Sababta..

Security Somalia news

Warbixin Sirdoon ayaa daaha ka rogeysa in Bilihii u dambeeyay ay kordheen Tirada Dhalinyarada ku biireysa Kooxdani, kadib markii Maamulka Puntland lagu eedeeyay inuu Dhaqaalaha iyo Dagaalka u adeegsaday Inuu Mucaaradka Degaanada iyo Dowlada Federaalka isla markaasna ka gaabiyay inuu la dagaalo kooxaha Argagixisada…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in ka badan 800 Maleeshiyaad cusub oo isugu jira Dhalinyarada Degaanka iyo qaxootiga Oromada Ethiopia ee ku nool Gobolada Bari iyo Nugaal ay ku biireen Maleeahiyaadka Daacishta ee ku sugan buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari, Talabaadani ayaa u muuqta mid khalkhal gelin karta Maamulka Deni.

Waxaa kaloo kororka lagu sababeeyay in Maleeshiyaadka sababeeyay ajaanibta kasoo dagaalantay Bariga Dhexe, sida Siiriya, Ciraaq iyo Yemen iney gabbaad usoo raadsadeen dhulka buuralayda Gobolka Bari, is- ballaarinta kooxda Daacish ayaa qeyb ka ah qorshaha Kooxda ISIS ay damacsan tahay oo ah iney u soo wareegaan Gobolka Bari ee Puntland Somalia, halkaasoo ay aaminsan yihiin in mustaqbalka dhow ay ka samaysan karaan saldhigyo ay duulaan ka qaadaan.

Kooxda Daacishta ayaa horaantii sanadkaan Maleeshiyaadka kooxda Shababka awood kaga saartay Buuraha Calmiskaad, iyagoo sameeyay is ballaarintii ugu weynayd kaddib sagaal sano oo ay kooxdu farriisin ku lahayd gobolka Bari, oo ah halkii looga dhawaaqay dhaqdhaqaaqa Daacish ee Somalia.

337710cookie-checkMa Dhabaa in Tirada Maleeshiyaadka Daacishta ee Degaanada Puntland ay Korortay & Sababta..