Golaha Amaanka ee QM oo Cod u Qaadaya Dalka Falastine loo Aqoonsado Dal Madaxbanaan…

World

Faahfaahin ayaa laga helayaa kulan ay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ay maanta Arbaco ah la horgeynaya qaraar ay soo diyaariyeen Dalalka Carabta qaarkood kuwaasoo doonaya in cod loogu qaado Xubinimada Falastiin ee Qaramada Madoobey, inkastoo USA & Dalal kale ay diidan yihiin qorshahaan…

Wararka ayaa sheegaya in Qaraarka ayaa haddii uu hirgalo Dalka & Shacbiga Falastiin u aqoonsanaya Dal madax bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobey, iyadoo Ololahaan ay aad u taageersan yihiin Dalal ka mid ah kuwa Europe ayna hormuud u yihiin Spain iyo Norway balse waxaa jira dareen ah in qaraarkaasi diidan tahay USA.

Safiirada Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay qaraarka inuusan caawinayn xaalka labada dawladood ee uu taageersan yahay Mareykanka, laakiin ma aysan sheegin in Mareykanka uu diidi doono, In ka badan kala bar waddamada caalamka ayaa taageersan in ay Falastiin noqoto dal madax bannaan , si meesha ay uga baxdo colaadda daba-dheeratay ee salka ku haysa aqoonsiga iyo dhulka Falastiin.

321700cookie-checkGolaha Amaanka ee QM oo Cod u Qaadaya Dalka Falastine loo Aqoonsado Dal Madaxbanaan…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *