Bayaan ay soo saareen Guddiga La socoshada Cunaqabateynta Hubka ee Somalia

Somalia news

Warbixin uu soo saaray Guddi la socoshada Cunaqabateynka Hubka oo tixraaciya qaraarka Tursigiisu yahay 751 Ee soo baxay (1992), khuseeyana Arrimaha cunaqabateynta Hubka Ee Somalia, ayaa tixgeliyay talooyin ku jira dib u eegista hubka fudud ee Guddiga khubarada Ee u xil saaran lasocoshada Hubka la geynaayo Dalka..

Waxaa la sheegay in mid ka mid ah talooyinkassi ayaa ah habka caadiga ee loo kormeeraayo qulqulka Hubka fudud ee Dowladda loo deeqay iyo Qoryaha laga qabsado Dowladda xakameyntiisa, kaasoo ay horey ugu heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Hogaanka ATMIS ee 29-kii Juun 2021-kii.

Guddiga ayaa sheegay in Nidaamka Howlgalka kormeerka Hubka aanu weli dhaqan gelin sababo la xiriira agab la’aan, Guddigu Wuxuu ku booriyay Dowladda Federaalka iney soo bandhigto agabka gaarka ah ee sahlaaya, si loo dhaqaajiyo habraaca shaqo ee caadiga ah, laguna dhiiri geliyo Maamulada Gobolada ee Xubnaha ka ah, Ururada iyo Xubnaha kale arrintaan khuseysa.

207540cookie-checkBayaan ay soo saareen Guddiga La socoshada Cunaqabateynta Hubka ee Somalia