Ma Dhabaa in Warbaahintii Shababka & Hoostadii Qaraxyada lagu Farsameynaayay La Burburiyay…

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa Xeryo ay kooxda Argagixisada Shababka ku lahaayeen Gobolka Galgaduud, kaasoo duqeymo ay ka fuliyeen Drones ay leeyihiin Saaxibada Somalia, Duqeyntaan ayaa dhacday saaka aroortii hore howlgal qorsheysan lagu qaaday magaalada Gal-hareeri..

Wararka ataa sheegay in Duqeyntani ay iska kaashadeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo Saaxibada Vaalamiga ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay Maleeshiyaadkii ku sugnaa Fariisinkaasi, iyadoo howlgalkan lagu burburiyay warshad lagu farsameeyo qaraxyada oo ay lahayd kooxda iyo xarunta Idaacadda Andalus.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan howlalkaasi iyo Duqeynta la fuliyay ee ay Dowladda Federaalka faafisay, Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Gobolada dhexe ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan Ciidamada Dowladda, kuwa Degaanka iyo Saaxibada Caalamiga ah.

303740cookie-checkMa Dhabaa in Warbaahintii Shababka & Hoostadii Qaraxyada lagu Farsameynaayay La Burburiyay…