Share the post "Ma Dhabaa in Turkiga ay Joojisay Dhaqaalihii iyo Drones-kii ay Ku Taageeri jirtay Maamulka Dalka.."
Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tibaaxaya in Dowlada Turkiga ay joojisay Taageeradii Maaliyadeed (mushaaraadkii) ay u fidin jirtay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Turkiga oo uu kamid yihiin Gorgor iyo Haramcad- sidoo kale waxay joojiyeen taageeradii dhanka cirka ah (Drines-ka) ee ay siin jireen Ciidamada Xoogga Dalka iyo Degaanka…
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Joojinta Dhaqaalaha iyo taageerada dhinaca Drones-ka ay timid kadib markii ay ka war heleen in Maamulka Villa Somalia uu heshiis Amni oo qarsoodi ah la gaaray Dalka UAE, taasoo aad uga careysiisay Maamulka Ankara.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkii kooxda Argagixisada Shababka ee degaanada Budhud & Galcad uu u dhacay xili laga sugaayay in Turkigu uu ka dhiso Magaalada Ceel dheer xarun laga hago Diyaaradaha Drones-ka, wuxuuna aad ugu soo horjeedaa iskaashiga Amniga ee Maamulka Hassan Sheekh iyo UAE.