Hay’adda Amnesty oo ku eedeysay Somaliland iney Duqeyn ka Geystaan Laas caanood..

Somalia news

In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay in ka badan 600 oo qofna waa ay ku dhaawacmeen dagaalada ka socda magaalada Laascaanood ee Sool, In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay in ka badan 600 oo qofna waa ay ku dhaawacmeen dagaalada ka socda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool..

Xoogaga Somaliland ayaa waxyeello u geystay Xarumaha Isbitaallada, Dugsiyada iyo Masaajidyada, halka sidoo kale dil iyo dhaawac loo geystay dad rayid ah, iyo barakaca tobanaan kun oo Qof, “Dhammaan dhinacyada isku haya Laascaanood waa inay joojiyaan weerarrada aan loo meel dayin, oo ay u guntadaan ilaalinta dadka rayidka ah, ayna ixtiraamaan xeerarka u degsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Isbitaalada iyo ambalaasyada waa in aan marnaba la bartilmaameedsan. Waa in uu jiraa baaritaan madax-banaan oo lagu sameeyo dhammaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo sharciga bini’aadantinimada si loo xaqiijiyo la xisaabtanka kuwa mas’uulka ka ah iyo magdhowga dhibanayaasha,” ayuu yiri Tigere Chagutah, Agaasimaha Gobolka ee Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Kooxaha bini’aadantinimada ayaa sheegay in inta u dhaxaysa 154,000 ilaa 203,000 oo qof ay u barakaceen magaalooyinka iyo tuulooyinka deriska la ah Laascaanood, halka qaarkood ay u gudbeen xadka Itoobiya. Waxay hadda u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah.

“Dhammaan dhinacyadu waa in ay oggolaadaan oo ay fududeeyaan in hay’adaha samafalka ay si aan kala go’ lahayn ula kulmaan dadka rayidka ah ee gargaarka u baahan ee ku sugan Laascaanood iyo deegaannada kale ee ay dhibaatadu saameysey,” ayuu yiri Tigere Chagutah.

252530cookie-checkHay’adda Amnesty oo ku eedeysay Somaliland iney Duqeyn ka Geystaan Laas caanood..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com