Danaha Garabyada Isku Heysta Doorashada Dhinaca ka Raran Ee Maamulka Deni..

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa xaqiijinaaya in magaalooyinka loo xushay iney ka qabsoomaan Doorashada Golayaasha Degaanka ee dhinaca ka raran laguna muransan yahay, ayaa waxaa soo shaac baxaaya Olole ay wadaan qeybo iska soo horjeeda oo danaha isku keenay..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inta badan Qeybaha Waxbarashada Sida Jaamacada), ayaa la xusay iney noqdeen kuwo u xuubsiibtay Ururo-Soyaasadeed, iyagoo badankoodu ay noqdeen kuwo Musharaxiin ah ama ku daaban Xisbiyada, Jaamacada Bariga-Africa (Mr.Cabdiraxmaan Macallin Ibraahim) ayaa la sheegay inuu mysharax u yahay Xisbiga Sincad ee Tartanka Duqa Magaalada Garoowe.

Halka Jaamacada Admas ayaa soo xulatay Maxamed Cabdiwahaab Axmed Xisbiga Ifiye wuxuuna haatan yahay Wasiirka Cadaalada, Horeyna wuxuu soo qabtay Gudoomiyaha Jaamacadda, Xisbigasn ayaa sidoo kale la sheegay inuu yahay garab Siyaasadeedka Hey’adda KAALO, Dad badan ayaa iska weydiinaaya sida ay isku qabanayaan iney dhinacna ay ka howl galaan Ururada Bulshada Rayidka iyo Dhinaca kale noqdaan Xisbiyo siyaasadeed.

Sidoo kale Jaamacadda PSU ayaa soo xulayay Gudoomiye kuxigeenkeedii ee Qeybta Waxbarashada Mr.Axmed Shire Axmed ayaa u sharaxan Duqa Garoowe wuxuuna ka sharaxan yahay Ururka Mustaqbal, Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka horey ugu baaqday in la helo geedi socod doorasho oo loo dhan tahay.

253390cookie-checkDanaha Garabyada Isku Heysta Doorashada Dhinaca ka Raran Ee Maamulka Deni..