Ma Dhabaa In Xilka Laga Qaadaayo Wasiirka 1-aad

Somalia news

Iyada oo maalinba maalinta ka dambeysa ay ka sii darayso qalalasaha siyaasadeed ee xiligaan kala guurka ah ka jira dalka gudahiisa iyo kala fogaanshaha ka dhex jira saamilaydsa siyaasadda dalka ayaa waxa u muuqatay beesha caalamka iney markii u horeeysay ka fakaraan qaab suuragal ka dhigi kara in looga gudbo xaalada adag ee uu dalku ku jiro xiligaan…..

Wakiilada beesha caalamka ayaa isla meel dhigay in Dalka iyo Dadka la badbaadiyo, iyadoo aan shaki kaga jirin inuu jiro Afkaar iska soo horjeedo oo ay adag tahay inay abuuraan kalsooni dalka lagu gaarsiiyo doorasho lagu wada qanacsan yahay. Daruufaha ka jira oo ay beesha caalamka qiimaysay waxaa ka mid ah:-

-Waxaa u muuqatay in ayan marnaba suuragal ahaynin in ay  dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah amaba mid dadban, oo la mida tii 2016,  marka la fiiriyo mudada  kooban ee u hartay dowlad hada jirta taasoo ka 7-bilood.

-Si ay u dhacdo doorasaho dadban, waxaa lama huraan ah in dowlada Fedaraalka loogu daro mudo xileed kaas oo u dhaxeeya 5-10 bilood laga bilaabo bisha Febaraayo ee sanadka soo socda.

-Uma muuqato beesha caalamka in Maamulka uu hogaamiye Mr.Farmaajo aysan karti u laheyn inay dalka gaarsiiso doorasho dadban hadii xitaa loogu daro hal sano oo kale, Waxeyna ku fashilantay inay sadax sano iyo bar doorasho ku diyaariso marnaba lagama rajayn karo in ay qabato doorasho.

-Waxaa jira tuhun ah in Mr.Farmaajo uu diyaarsaday qorshe ah in Eeda dusha laga saaro Mr.Kheyre lana casilo, isla markaasna la soo dhiso Dowlad Mucaarad iyo muxaafid ah ka kooban tahay oo muddo 2-sano ku soo diyaarisa sharciyada.

Dadaaladaan ayaa Waxaa hormuud ka ah Dowlada EU-da, waxeyna u wakiil heen in Maamulka Dooxa Ay ka dhaadhiciyaan Mr.Farmaajo inuu tanaasulaad la yimaado ama uu isaga is Casilo ama uu Ra’iisul wasaare awood badan ay Soo dhisaan Kooxaha Mucaaradka.

44250cookie-checkMa Dhabaa In Xilka Laga Qaadaayo Wasiirka 1-aad