Amaan-Darro Laga Soo Sheegayo Qeybo Ka Mid Ah Muqdisho

Opinion

Waxaa aad u kordhay Amaan darro aad u baahsan, dil, Dhac iyo Tuuganimo laga soo sheegayo qeybo ka mid degmooyinka ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo ay aad ugu soo bateen kooxo burcad ah oo dhibaateynaaya bulshada ku dhaqan Muqdisho….

Warbixino amaan ayaa muujinaaya in Shacbiga degan degmooyinka Kaaraan, Heliwaa, Yaaqshiid, Wardhiigley, H/wadaag, Boondheere iyo Madiina ayaa ka cabanaya kooxo wata Mootooyin iyo qaar laguneynaya oo habeen iyo maalin dadka baarta, kooxahaan oo isugu jira qeybo ka mid ah Kuwa NISA iyo Kooxo hubeysan oo madax banan.

Dhalinyaro badan oo isku dayay in ay la cararaan moobeelo laga qaadan rabay ayaa la dhaawacay halka ugu yaraan hal qofna loo dilay falalkaan loogu geystay.

Dhibaatooyinka ugu daran waxay ka jiraan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid, gaar ahaan Xaafadaha SII SII, MOWLCA SHEEKH CALI CABDULLE, JAMHUURIYA iyo goobo kale.

Kooxaha dhaca geysanaya oo unugyo u socda ayaa qaarkood ku labisan dharka ciidamada Boliiska iyo Ciidamafa waxayna billaabeen in ay ku dhiiradaan in maalintii ay dadka baartaan, Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Dhalinyaro laga soo uruuriyay Gobolada Gedo iyo Sool oo laga shaqaaleysiiyay NISA ay dhaca wadaan.

Shacabka ku nool degmooyinkaas ayaa sheegay Saldhigyada degmooyinka oo ay cabashada u gudbiyeen aysan waxba ka qaban cabashadooda waxayna qaarkood ay dhigeen banaanbax ay uga cabanayaan dhibaatada heysata.

25120cookie-checkAmaan-Darro Laga Soo Sheegayo Qeybo Ka Mid Ah Muqdisho