Maamulka Somaliland oo Wada Qorshe ay ku Doonayaan iney kula Kulmaan Dowladda Federaalka..

Somalia news

Xogo Xasaasi ah ayaa xaqiijinaaya in Madaxtooyada Maamulka Somaliland ay doonayaan in la dadajiyo kulan dhexmara Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Somalia iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaasoo ay qorsheysay in lagu qabto Dalka Djibouti…

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Qabanqaabada kulankaan ayaa waxaa door weyn ku leh Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Hogaanka Hargeysa ayaa doonaysa in ay lafariisato Dowlada Federaalka, taasoo ay u aragto inuu culeys siyaasadeed kaga dagi karo Muuse Biixi, oo ay haystaan caqabadaha gudaha iyo fashilka dagaalka Degmada Laas caanood.

Hogaanka Somaliland ayaa qorsheynaya in inta aysan Gobolka Sool ka bixin Maleeshiyadiisa dib loo furo wada-hadalada DFS iyo Maamulka Somaliland, waxaase tallaabadaasi ka horyimid Madaxweynaha Puntland, kaasoo tilmaamay in haddii ay qaadato DFS go’aankaasi, ay horseedi karto in Dalku ku noqdo wadadii burburka.

Dowlada Federaalka ayaa Odayaal Dhaqmeed u dirtay Degaanada Gobolka Sool iyo Magaalada Hargeysa si ay dhinacyadaan ugala hadli lahaayeen joojinta Dagaalka isla markaasna loo kala qaadi lahaa xoogaga ku dul dagaalamaya duleedka magaalada Laas caanod, Maamulka Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu ka war wareegaayo inuu qaabilo Odayaasha ka tagay magaalada Mogadishu.

254260cookie-checkMaamulka Somaliland oo Wada Qorshe ay ku Doonayaan iney kula Kulmaan Dowladda Federaalka..