Ma Dhabaa In Villa Somalia Ay Qorsheysay Iney Weerarto Saadiq John

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya in Madaxtooyada Villa Somalia ay diyaarineyso duulan qorsheysan oo ay ku qaado Taliyihii Xilka laga qaaday Saadiq John iyo Ciidamo Taabacsan oo Ku sugnaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Mogadishu…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Ciidamo aad u tiro badan lagu diyaarinaayo Madaxtooyada iyo Xarunta Guutada 14-aad kuwaasoo loo Qorsheeyay iney weeraraan Hoyga Saadiq John.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Saadaq John uu caawa ka guuray Gurigiisa uu deganaa wuxuuna xarun degaan ka dhigtay agagaarka Xerada Guulwadayaasha iyo Warshada Sigaarka oo ay ehelkiisu u badan yihiin, sidoo kale waxaa jira tuhun ah inay dowladdu isku dayi doonto in weerarto, taasoo noqon karta bilowga qalalaase Amni iyo dagaal sokeeye ka dhaca Magaalada Muqdisho.

110960cookie-checkMa Dhabaa In Villa Somalia Ay Qorsheysay Iney Weerarto Saadiq John