Maamulka Hargeysa Oo Amar Joojin la Xiriirta Dooda Soomaalida & Oromada Ku Soo Rogay Universal TV..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Maamulka Muuse Biixi uu Muuqaal-baahiyaha Universal TV ku amartay in uu joojiyo doodo uu qaban jiray, waxeyna ku sababeeyeen iney lidi ku yihiin anshaxa suuban iyo sharci jebinta sida ku cad Qoraal ay soo saareen..

Qoraalka oo ay soo saartay Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu xusay in Muuqaal-baahiyahan laga mamnuucay doodo uu in mudo ahba qabanayay, kuwaasi oo ku sal lahaa arrimaha qoyska, kuwaasoo bulshadu ay fikrado kala duwan ka qabeen waxtarkooda iyo waxyeeladooda, iyadoo Maamulka uu qabtay Dood salka ku heysq “Qabiil iyo Qoomiyado”, iyadoo lagu falanqaynayay qaybo kamid ah Qabiilada Soomaaliyeed iyo Qoomiyada Oromada, iney asal ahaan meel ka soo wada jeedaan “Kushitig” taasi oo ay Maamulka Hargeysq ku tilmaameen wax anshaxa & Sharciga ka baxsan.

📸 Look at this post on Facebook https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=pfbid031sx5vmC1iBTNc3Sn8xNxCKNQovM3e64aANy3GJAAvadbLRbbrWbdaboCyWJ4Khg9l&id=100009815852697&mibextid=WC7FNe

Qoraalka Hoos ka akhriso

296330cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Amar Joojin la Xiriirta Dooda Soomaalida & Oromada Ku Soo Rogay Universal TV..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com