Midowga Musharixiinta Oo Kulan La Leh Cali Guudlaawe

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya shir wada tashi ah oo u socdaa Madaxweynayaashii hore Shariif, Xasan Sheekh, Xildhibaan Cosoble iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, Kulankaan ayaa la sheegay in looga doodaayo sababta uu u aqoonsaday Muddo Kordhinta…

Go’aanka Cali Guudlaawe kula saftay Farmaajo ayaa ka careysiiyay madaxdaas ay isku haybta yihiin oo ah Musharaxiin iyo Madax hore, iyadoo xusid mudan tahay in madaxdan horay u taageereen doorashadiisa oo aanay ka hor imaan, iyagoo u arkayay nin qunyar socod ah, balse go’aankii habeen hore wuxuu ku noqday niyad jab Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ku heybta ah Madaxweyne Guudlaawe.

Shirkaan ayaa loo arkaa fursadii ugu dambeeyay ee ay Madaxdii hore ay uga quusanayaan ama isku fahmayaan Madaxweyne Cali Guudlaawe, iyadoo lakala ogaan doono midka uu dooran doono

Dhinaca kale Kulankii xalay dhex maray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Midowga Musharaxiinta ayuu u sheegay inuu isagu taageerin go’aankii Golaha shacabka, sidaas darteed looga baahan yahay Musharaxiinta inay Cali Guudlaawe la soo hadlaan.

110930cookie-checkMidowga Musharixiinta Oo Kulan La Leh Cali Guudlaawe