Ma Dhabaa In Villa Somalia Ay Saraakiil U Dirtay B/Weyne

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Farmaajo uu Magaalada B/weyne u diray Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, kuwaasoo Wada hadalo qarsoodi ah la bilaabay Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeele iyo Odayaasha degaanka…

Xogtaan ayaa sheegtay in Xubnaha Gaaray Magaalada B/weyne shalay uu horkacaayay Agaasimaha Madaxtooyada Cabdi Saciid iyo kuxigeenkiisa Cabdinur Maxamed, ujeedada safarkooda ayaa lagu micneeyay sidii ay 25-kursi Ee Xildhibaan Golaha Shacbiga u boobi lahaayeen, iyadoo la sheegay in tagitaanka safarka Magaalada lagu sababeeyay iney furayaan Mashruuc balaaran ah oo lagu sameeyay Garoonka Diyaaradaha B/weyne.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Saraakiishaan ay qorsheynayaan iney si qarsoodi ah ula kulmaan Horjoogayaasha kooxda Mucaaradka Hubeysan ee uu hogaamiyo Mr.Xuud si balaanqaadyo been ah loogu sameeyo.

146460cookie-checkMa Dhabaa In Villa Somalia Ay Saraakiil U Dirtay B/Weyne