Ma Dhabaa In Villa Somalia Laga Diyaariyay Qorshe Shirqool Oo Lid Ku Ah Rooble

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Qorshayaal (Plan A-B) ay dejiyeen Kooxda Farmaajo, kuwaasoo ku wajahaaya Khilaafka kala dhaxeeya Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka, waxeyna qorsheeyeen in kooxda Farmaajo ay soo saari doonaan dhawaan bayaan…

Bayaanka an ayaa nuxurkiisu yahay sidii Bulshada indhaheeda loogu wareejin lahaa Kiiska Ikraan Tahliil oo noqday Dood Qaran (National Debate), isla markaasna looga takhalusi lahaa Wasiirka 1-aad iyadoo la adeegsanaayo Gudoonka Baarlamaanka & Shaqsiyaad kale, waxaana ka mid ah Qorshahaan:-

-In Shacbiga laga gado in Mr.Rooble uu ku fashilmay hoggaaminta maamulka doorashada dalka, isla markaana uu xagal daacinayo doorashooyinka

-In Ra’iisul wasaaraha uu ishor istaag ku sameeyey qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka oo 18-ka bishaan Farmaajo iclaamiyey si loogu soo bandhigo kiiska Ikraan Tahliil, isla markaana uu lumiyey kalsoonida isaga iyo madaxweynaha u dhaxeysay.

-In Ra’iisul wasaaruhu uu ku milmay dhinacyada isku haya doorashada, gaar ahaan in mucaaradka uu ka shidaal qaadanayo oo ay gadaal ka riixayaan xasaradaha taagan.

Farmaajo ayaa qorsheynaya in uu sii daayo bayaankaan eedeynta xambaarsan taasoo ka dhigan inuu dib u soo nooleeyo golaha shacabka xilli Mursal uu horey u soo saaray warqad ku socota Ra’iisul wasaaraha oo lagu diiddanaa dhaarinta wasiirka cusub ee Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Waxaa sidoo kale laga shaki qabaa in si fowdo ah Ra’iisul wasaare Rooble xilka looga qaado, xaaladduna sii adkaato, iyadoo kooxo aan Xildhibaano aheyn lagu buuxsado Koorumka.

Sidoo kale waxaa u qorsheysan Farmaajo iyo ragga la shaqeeya ineey isku dayaan iney xoog ku galaan gudaha Xarunta NISA si ay ula soo baxaan dhamaan Dukumentiyada iyo Macluumaadka ka xiriira (nuqulada waraaqaha) quseeya kiiske Ikraam iyo dhacdooyin kale oo shaki ku gadaaman yahay.

140570cookie-checkMa Dhabaa In Villa Somalia Laga Diyaariyay Qorshe Shirqool Oo Lid Ku Ah Rooble