Qaadka Iyo Macaashka Saraakiisha iyo Gadisleyda

Somalia news

Tan iyo markii Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu ku dhawaaqday in Qaadka la joojiyay, ayaa waxaa soo dhaweeyey inta badan Bulshada Soomaaliyeed, kuwaasoo dhib badan ku qabay Mandooriyaha Qaadka, inkastoo tiro yar ay xiligaan ka macaashaan oo ay ku jiraan Xoogaga Amaanka Ee Maamulka….

Waxaa muuqata in joojinta Qaadka Dalka Kenya inuu yahay mid Siyaasadeyd oo lagu Cuuryaaminaayo dalka Kenya, iyadoo Mr.Farmaajo uu isku xiray Xiisadaha Gobolka Gedo Ee Beeshiisa iyo Ganacsiga, sidoo kale wuxuu fasaxay Qaadka laga keeny dhulka Oromada si loogu Naas Nuujinaayo.

Guud ahaan Dalka, xiligaan waxaa Qaadka ku soo galaa si Kontrabaan ah, iyadoo ay ku lug leeyihiin Saraakiisha Madaxtooyada iyo kuwa Amaanka Gobolka Benadir, Qaadka ayaa lagu Keenaa Gaadiid halkii markii hore Diyaarado Keeni jireen.

Qaadka Ethiopia oo markii Hore degaanada Soomaaliland kaliyaha laga Isticmaali jiray ayaa hada moodaa inuu ku Friday guud ahaan Gobolada Dalka oo dhan, wuxuuna ku soo galaa si xad dhaaf ah isla markaasna aan canshuur laga qaadin.

I Waxaan shaki ku jirin in Mr.Farmaajo uu fulinaayey heshiiska Ethiopia uu la galay, isagoo sidaana ku joojiyey Qaadka Kenya una Fasaxay Dalka Ethiopia, Waana talaabo qorsheysan oo ay wada gaareen labada maamul si dhaqaalaha yar Ee Soomaalida loo curyaamiyo.

64570cookie-checkQaadka Iyo Macaashka Saraakiisha iyo Gadisleyda