Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaayo In Wasaaradda Arrimaha Dibada ee USA ay qorsheyneyso iney xayiraad ku soo rogi doonaan xubno uu hormuud yahay Adeege Fahad Yasiin alias (abuu camaar)kuwaasoo lagu soo eedeeyay iney yihiin qaswadeyaal dhibaato ku ah geedi socodka Nabada iyo Dowladnimo wanaaga…
Xogtaan Oo laga helay ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Wakiilka UN-ka iyo Saraakiisha Safaarada Mareykanka ay warbixino hordhac ah u kala direen Golaha Amaanka iyo Wasiirada Arrimaha Dibada ee Mareykanka, iyagoo ku wargeliyay in Xubno ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Barlamaanka Mr.Mursal Kuxigeenkiisa 1-aad Muudey iyo Adeege Fahad Yaasin loo aqoonsaday iney caqabad ku yihiin jiritaanka Dowladnimada Somalia.
Waxaa Sidoo kale la sheegayaa in shirkaas uu ka soo bixi doono war-murtiyeed niyad jab u ah Maamulka Farmaajo iyo gacan-yarayaashiisa, iyadoo laga yaabo in Dowlada Somalia dib lagu celiyo Nidaamkii KMG, kadib markii ay ku fashilmeen iney Dhistaan Hanaan dowladeed oo ku dhisan shuruucada Dastuurka Dalka u degsan.