Sababaha Hortaagan in Dowlada Federaalka ay ku Dhawaaqdo in Dalka “Macluul” ka jirto

Somalia news

Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa in muddo ah ka war-wareegeysa iney ku dhawaaqdo in Dalku wajahaayo Macluul iyo Abaaro, sida ay sheegeen Shaqaalaha Gargaarka, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo falanqeeyayaasha khibrada iyo aqoobta u leh Doodaha arrimaha gudaha…

Ku dhawaaqista “Macluusha” noocaan oo kale ah, waxey fududeyn kartaa inuu dalku soo galo gargaar badan sida tii sanadkii 2011-kii, ayna soo jiideyso dareenka deeq-bixiyayaasha gaar ahaan kuwa reer galbeedka oo xiligaan ku mashquulsan dagaalka Ukraine, iyadoo sidoo kale Dowladda Federaalka ay ka warwareegeyso iney ku dhawaaqdo “Macluusha”.

Maxey Dowladu ku diidan tahay:-

Ugu horeyn Dowlada waa cusub tahay, wqxeyna cabsi ka qabtaa in go’aankani uu wiiqo dhaqdhaqaaqa Kacdoonka ee looga soo horjeedo kooxda Shababka, kaasoo Shacbiga ay kaalin weyn ku leeyihiin.

Tan 2-aad Saraakisha Dowlada ayaa ka welwel qaba in go’aankani uu sababo in Dadka ay ka qaxaan degaanada ay ku nool yihiin oo dhibaatada macluusha ay saameysa soona galaan magaalooyin waa-weyn sidii dhacday sanadkii 2011-kii.

Qodobka seddexaad, Dowlada Federaalka ayaa ka cabsi qabta in go’aankani uu maalgashatada ka weeciyo iney dhaqaale u huraan mashaariicda mustaqbalka fog ee lagu hormarinaayo Barnaamijyada daryeelka Caafimaadka, Waxbarashada iyo Cimilada.

223900cookie-checkSababaha Hortaagan in Dowlada Federaalka ay ku Dhawaaqdo in Dalka “Macluul” ka jirto