Ma Dhabaa In Xayiraadii Qaadka Kenya La Qaaday

Somalia news

Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa ku dhowaad 10-bilood kadib waxey xayiraadii qaadka (Mira-Kenya), ka qaadeen, kadib markii ay ku fashilmeen iney xakameeyaan isla markaasna Qaadka Ethiopia ku qasbaan muqayiliinta Soomaalida ee isticmaala Mandooriyaha (Stimulant drugs) Qaadka….

Wasiirka Maaliyada Mr.C/maan Beyle ayaa sheegay “ Waxaana dooneynaa inaan caddeyno in Ganacsiga Qaadka uusan cidna u xirneyn nuxurka Saxaafada loogu yeerayna Waa intaasi”. Isagoo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Mogadishu, isagoo shuruud ku xiray in Shatiyo ganacsi loo qaato soo dejinta Qaadka.

Talaabadaan ayaa soo shaac baxday kadib markii Ciidamada Amaanka ay ku fashilmeen iney xakameeyaan Qaadka sida dhuumaaleysiga ah uga soo dega Habeen iyo maalinta Xeebaha Magaalada Mogadishu, iyadoo sidoo kale Ganacsatada Qaadka ayaa Mr.Farmaajo iyo Walaalkiis ku Eedeeyay iney rabitaankooda ku qaabayaan Dadka Qaadka isticmaala si loo gato Qaadka Ethiopia.

89740cookie-checkMa Dhabaa In Xayiraadii Qaadka Kenya La Qaaday