Maxaa Hortaagan Doorashada Gudoonka Puntland

Somalia news

Is-maan dhaaf ayaa lagu warramayaa inuu hareeyay goobta lagu dooranaayo Gudoonka Guddiyada Doorashada ee heer Dowlad goboleed Ee Puntland, iyadoo qeybo ka mid ah guddigaasi ay soo jeediyeen in Xarunta Garoowe lagu doorto…

Sida ay u sheegeen Warsidaha Diinah.com news Xubno ku dhow Guddiga Doorashada waxaa socda dadaalo lagu xalinaayo muranka ka dhashay goobta lagu dooranaayo Gudoomiyaha Guddiga Iyo Kuxigeenka, maadama ay wadar ahaan yihiin Guddiga Doorashada 8-xubnood oo la soo magacaabay, ayaa codsan kara iney ku qabaadaan Doorashada Magaalada Garoowe.

Dhanka kale, ma cadda hadii sidoo kale uu Khilaaf ka dhex oogan yahay Guddiga Doorashada Jubbaland, inkastoo Maamulada Konfur galbeed iyo Galmudug ayaa la sheegay in lagu doortay Magaalada Mogadishu, iyadoo Warar soo baxaaya ay sheegayaan in Maanta lagu wado in Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Hir-Shabelle lagu wado in lagu doorto Magaalada Mogadishu.

Si kastaba, waxaana shaki ku jirin in sida loogu kala adkaado Gudoonka Doorashada maamulaaya heer Federaal iyo Kan Dowlad goboleedka ayaa la rumeysan yahay iney sawir guud ka bixin doonto loolanka Doorashada dadban ee fooda Nagy soo heysa.

127830cookie-checkMaxaa Hortaagan Doorashada Gudoonka Puntland