Ma Dhabaa in Boob & Faquuq Lagu Sameeyay Mashaariicdii Isbedelka Cimilada.

Somalia news

Dalka Somalia Isbeddelka cimiladu waa mid ka mid ah caqabadaha Dadka iyo Degaanka ay wajahayaan, inkastoo ay hareeyeen Maamul xumo Hogaanka Wasaarada & Villa Somalia oo lagu eedeeyay Boob iyo Faquuq Dalkaan ka soo kabanaya burburka Nidaamka Dowladeed…

Abaaraha soo noq-noqda, dalag-la’aanta, Dabka Suuqyada iyo Daadadku waxay si xun u saameeyaan nolosha Malaayiin Soomaali ah oo ka soo jeeda dhaqan-dhaqaale kala duwan, Dhibaatooyinkaas uu isbeddelka cimiladu u horseeday nolosha Soomaalida waxa lagu yarayn karaa iyadoo la hirgeliyo siyaasado wax ku ool ah.

Wasaaradda Degaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Somalia waxaa loo igmaday “in ay ilaaliso soona celiso degaanka Dalka si loo horumariyo loona ilaaliyo tayada nolosha Muwaadiniinteeda iyadoo loo marayo horumar waara”, Barnaamijka la qabsiga Qaranka ee Waxqabadka Isbeddelka Cimilada (NAPA) waa dariiqa loo maro hirgelinta Shan mashruuc oo Wasaaraddu ay dhaqaale ka hesho Sanduuqa Cimilada Cagaaran (GCF).

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaaya in ilaa 5-Mashruuc oo kala ah (1) U Diyaargarowga GCF ee Somalia, (2) Taageerada Diyaarinta (Barnaamijka Taageerada Qorshayaasha La qabsiga Qaranka), (3) Horumarinta adkeysiga iyadoo loo marayo Habka isku dhafan ee Biyaha, Deegaanka, iyo Abaaraha, (4) Taageerida Samaynta Sanduuqa Cimilada Cagaaran (GCF) qoraalka fikradda iyo soo jeedin buuxda oo ku saabsan Beeraha U adkaysiga Cimilada (FAO), iyo (5) IWRM (Maaraynta Khayraadka Biyaha Isku-dhafan), ayaa la afduubtay waxaana la dhigay in Mashraac uu Xisbi-Diimeedka Xasan Gurgurte Wax-qabadkiisa lagu daray, laguna bixiyay Si qaraabonimo ah.

318010cookie-checkMa Dhabaa in Boob & Faquuq Lagu Sameeyay Mashaariicdii Isbedelka Cimilada.
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com