Share the post "Ma Dhabaa in Xilka Laga Qaadaayo Madaxii Laanta La-dagaalanka Argagixisada ee Maamulka Puntland & Sababta.."
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf gaamuray oo muddo bilooyin ah u dhaxeeyay Madaxdii Laanta la-dagaalanka argagixisada & Hogaamiyaha Maamul-Goboleedka Puntland, khilaafkaan oo salka ku haya arrimo badan oo is-biirsaday una badan dhaqaale iyo Hanaanka shaqada…
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Khilaaf muddo bilooyin ah soo jiitamaayay una dhaxeeya Mr.Deni iyo Mr.Amiin Xaaji Kheyr Madaxda Laanta PISF, iyadoo la sheegay Saraakiisha Deni taageerssn ay Mr.Kheyr ku eedeeyern inuu xoogaga & Saraakiisha kala qeybiyay isla markaasna qeybihii Daacada u ahaa Maamulka Deni jagooyinkii uu ka xayuubiyay isla markaasn xilalka u dhiibay Xubno isaga taageersan.

Wararka ayaa sheegay in dhexdhexaadin iyo dadaalo ay sameeyeen Madaxa Boliiska iyo Madaxa Xoogaga PMPF ay ku guuleysteen iney Mr.Kheyr la hor fariisiyo Mr.Deni wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu Xilka wareejiyo isagoo sheegay in Dhaqaale Deyn ahaan uu u soo qaaday laga bixiyo taasoo uu Deni oggolaaday, iyadoo Mr.Amiin lagu wado in loo magacaabo Agaasimaha Macdanta Maamul Goboleedka Puntland.