Dalalka Aduunka ee aan lahayn DASTUUR rasmi ah iyo Sababaha ka Dambeeya..

Somalia news

Inkastoo Dalka Somalia uu dadaal Dhaqaale badan ku baxay iyo Halgan ugu jiro inuu diyaariyo Dastuur muddo 23-sano, hadana waxaa jira Dalal dhowr ah oo aan lahayn wax Dastuur ah oo rasmi ah, kuwaasoo tiro ahaan gaaraya ilaa 5-6 Dal, Micnuhu ma aha inaysan xeerar (regolations) wax nidaamiya lahayn lahayn, Kaliya waxaa ka maqan Dastuur rasmi ah..

Dalalka aan lageyn Dastuur qoran ayaa hormuud ah Boqortooyada UK, laakiin waxay leedahay xeerar maamul oo ka yimaada afar ilood oo ay ku jiraan sharciga xaaladeed ee ka yimaada Dowlada (Fulinta) iyo Baarlamanka (Dejinta), Sharciga guud oo ka yimaada Garsoorka, midka heshiiska siyaasadeed, iyo midka goobaha shaqooyinka, Sharciyada ay ansixiyaan Baarlamanka ayaa ah isha ugu dambaysa ee sharciga UK.

Saudi Arabia

Saudi Arabia ma laha Dastuur Dad qoray oo rasmi ah, balse waxay ku Dhaqmaan sharciga Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nebi Muxamed (NNKH), Xeerarka Boqortooyadu ay soo saaraan waxay wax ka qabtaan arrimaha casriga ah sida hantida dadka iyo sharciyada shirkadaha, Si loo sameeyo xukun sax ah oo ku salaysan sharciga aasaasiga ah (Sharciga shareecada), garsoorayaashu waxay tixraacaan lix sharci oo raacsan mad’habta Xanbaliga kahor intaysan xukumin, kuwaasoo laga soo qaatay Qur’aanka, Axaadiista (hadalladii iyo caadooyinkii Nabi Muxammad (NNKH), iyo waxyaabihii ay ku dadaaleen (ijtihaad) Saxaabadii Nabigu.

Sidoo kale Dalalka Israel, Canada, New Zealand iyo San Marino, kuwaasoo ayaa leh xeerar aan si rasmi ah u ahayn Dastuur buuxa oo hal meel ku qoran, Hadaba waxaa Kooxaha Siyaasada meheradaha ka dhigtay ee Somalia ka hortaagan iney Dastuur ahaan Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nebi Muxamed (NNKH), mise waxey Raali gelinayaan Gaalada.

282940cookie-checkDalalka Aduunka ee aan lahayn DASTUUR rasmi ah iyo Sababaha ka Dambeeya..