Maamulka Abiy Oo Xabsiga Dhigay Siyaasiyiin Soomaali Ah

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay laamaha Amniga Dowladda Ethiopia ayaa xireen ugu yaraan Afar siyaasi oo xilal kasoo qabtay Degaanka Soomaalida Ethiopia kuwaasoo lagu xiray xabsi ku yaal Magaalada Jigjiga…

Siyaasiyiintan oo Addis Ababa laga soo qabqabtay ayaa diyaarad lagu soo qaaday, kadibna laga dajiyay Magaalada Jigjiga, sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga dowlad degaanka Soomaalida.

Siyaasiyiinta ay Ciidamada Ethiopia ay xireen ayaa waxaa kamid ah Cabdifataax Macalin oo Madaxweyne ku xigeen kasoo noqday Degaanka Soomaalida, Sidoo kalena si weyn uga soo horjeestay maamuladii Cabdi Maxamuud Cumar iyo tan hadda talada haysa ee Mustafe Muxumed Cagjar.

Maamulka Abiy ayaa Siyaasiyiintaan ku eedeeyey iney gacan saar la leeyihiin xoogaga TPLF- ee gobolka Tigreega oo dowladda Itoobiya ay dagaal xoogan kula jirto,Ciidamada Ethiopia ayaa horay u xiray Siyaasiyiin Soomaali ah iyo kuwo kale oo kasoo jeeda Qowmiyadaha dega dalka Itoobiya, kuwaas oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Kooxda TPLF ee lagula dagaalamayo Gobolka Tigreega ee Waqooyiga dalka Ethiopia.

135830cookie-checkMaamulka Abiy Oo Xabsiga Dhigay Siyaasiyiin Soomaali Ah