Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Tuulo ku dhow Bacadweyn-weyn

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa dagaal faraha looga gubtay geystayna khasaare dhimasho iyo dhaawacba Leh ayaa la sheegay inuu ku dhex maray Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Maleeshiyaad ka tirsan Shababka Galabta ilaa maqribkii caawa tuulo hoos tagta degaanka Bacaad-weyn oo ka tirsan Gobolka Mudug…

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus ayaa la sheegay in 5-Xubnood oo uu ku jiro Sarkaal magaciisa lagu sheegay G/Le Maxamed Cali Salaad Madaxii Ururka (Battalion) Daraawiishta Galmudug, iyadoo lagu dagaalkaasi lagu dhaawacay 10-kale, inkastoo aan wax faahfaahin ah laga helin dhinaca Kooxda Argagixisada Shababka.

Dagaalka ayaa ka dhacay Tuulada Tuulada Qeydcad oo aad ugu dhow degaanka Bacaadweyn, iyadoo kooxda Shababka ay sheegteen iney Dagaalka ku qabasadeen 3-gaari oo kuwa dagaalka ah, halka mid kale ay gubeen, ilaa hadda ma jirto cid xaqiijin karta sheegashada Kooxda Shababka, iyadoo sidoo kale Galmudug iyo Dowladda Federaalka ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan dagaalkaan.

135880cookie-checkDagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Tuulo ku dhow Bacadweyn-weyn