Maamulka Deni Oo Xayiraado ku soo Rogay Hey’adda Cilmi Baarista ee SIDRA..

Domestic News Politics Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Maamulka Deni ee Puntland uu xayiraado iyo hakin ku soo rogay Hey’adda Cilmi Baarista ee SIDRA, iyadoo Howlwadeenada Hey’adaan lagu eedeeyay iney faafiyeen wararka la xiriira Raadarka magaalada Boosaso..

Wararka ayaa shedgaya in Maamulka Deni uu ku eedeeyay Hogaanka Hey’adda iney faafisay wararka la xiriira Raadarka lagu rakibsu Garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo Diyaaradaha joogtada uga soo dega xiliyada Habeenkii Garoonka ayna maamuulaan Shaqaale UAE u dhashay, taasoo Muwaadiniin badan aad uga careysiisay.

Hey’adda SIDRA waxaa aasaasay Siyaasiga Guuleed Saalax oo Mucaarad ku ahaa Mr.Deni xiligii doorashadii hore, Ilaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee shaqada looga joojiyay, Puntland wax hadal ah kama soo saarin, Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo ayaa sheegaya in tallaabadan ay la xiriirto dacaayadaha laga fidiyay Saameynta sii kordheysa ee UAE iyo Israel ee degasnada Puntland, SIDRA ayaa lagu eedeeyay iney soo saartay Warbixin la xiriirta calooshood u shaqeystayal Colombian ah oo loo adeegsafo dagaalada Dalalka Sudan iyo Yemen, si sharci darro ahna looga soo dejiyo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

369840cookie-checkMaamulka Deni Oo Xayiraado ku soo Rogay Hey’adda Cilmi Baarista ee SIDRA..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *